Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo soo ban dhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab

0

Afmadow – Ciidamada Daraawiishta ee maamulka Jubbaland ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanno ku teedsan waqooyiga magaalada Afmadow, halkaas oo ay ku soo qabteen xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay howdka ku yaalla aaggaasi.

 

Ciidamada Daraawiishta ee degmada Afmadow oo horay ula socday dhaqdhaqaaqa xubnahan ku dhuumaaleysanayay deegaannada miyiga ee hoos yimaada degmada, ayaa weerar qorshaysan ku qaaday goobihii lagu tuhmayay waaberigii hore ee saaka. Intii uu socday howlgalkaasi ayay ciidamada ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah xubnaha kooxda.

Sidoo kale, ciidamada ayaa baaritaanno amni ka sameeyay dhammaan deegaannadii howlgalka laga fuliyay, si loo xaqiijiyo inaysan jirin xubno kale oo ku dhuumaaleysanaya aaggaasi.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay wadaan ciidamada ammaanka Jubbaland si loo xaqiijiyo amniga magaalada Afmadow iyo deegaannada ku xeeran, isla markaana looga hortago dhaqdhaqaaqyada kooxaha amni-darrada ka wada gobolka.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan, si loo adkeeyo nabadgelyada guud ee degmada iyo deegaannada hoos yimaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here