Nairobi – Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa maanta kala qaybgalay kumanaam Musliin ah dukashada Salaadii ciida oo lagu qabtay masjidka weyne ee ku yaalo suuqa BBS mall ee xaafadda Easleight oo ah xaafadd ay degan yihiin dadka Soomaalida.
Danjire Jabril oo saxaafadda la hadlay Salaada
ka dib ayaa yiri, “Aniga oo ku hadlaya magaca Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kan umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa umadda Muslimiinta taas oo ku aadan Munaasabadda Ciidul -ul-Fitr”
Waxa uu intaas ku daray, “Markaan u dabaaldegayno munaasabaddan gaarka ah, waa inaan xasuusannaa kuwa la tacaalaya dhibaatooyinka, dadka baahida gaarka qaba, una fidinnaa gargaar, Ilaahay (SWT) ha aqbalo salaadeena iyo dhmaaan acmaasheeyna”.




