Ciidanka Kenya oo burburiyay goob ay ku sugnaayeen xubno katirsan Al-Shabaab

0

GARISSA [SMN] – Ciidamada Kenya ayaa weerar ku qaaday goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab degaanka Dabalwein oo ku dhaw Ijara ee ismaamulka Garissa, waxayna halkaasi ku dileen hal dagaalyahan, sida ay booliisku sheegeen.

 

Saraakiisha amniga ayaa intaasi ku daray in qaar kale ay ku dhaawacmeen, islamarkaana ka baxsadeen xarunta oo ay Ciidanka ka heleen saddex qori oo AK47 ah, 90 xabo oo rasaas ah, dawooyin, cuntooyin iyo waxyaabo kale.

Waxay sidoo kale Ciidanka Kenya heleen sahay caafimaad iyo agabka laga sameeyo walxaha qarxa, sida ay booliisku sheegeen.

Booliska ayaa sheegay in ay kordhiyeen howlgallada lagu baacsanayo mintidiinta Al-Shabaab ee ku sugan degaanada hoostaga degmada Garissa iyo gobolada kale si looga hortago weeraro qorsheysan oo dalkaasi ka dhaca.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee ka dhacda deegaankaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in inta badan Al-Shabaab ay xerooyin ka samaystaan tuulooyinka miyiga ee ku dhaw magaalada Gaarisa oo ay ku weerari jireen gaadiidka askarta dowladda.

4-tii bishan, ugu yaraan laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo ahaan jiray dhaqaatiir  lagu dilay weerar ay booliisku ku qaadeen xeradooda oo ku taalla degaanka Fafi, ee ismaamulka Garissa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here