DERNA, LIIBIYA – Ciidanka Qaranka Liibiya (LNA), oo uu hoggaamiyo Marshal Khalifa Haftar, ayaa sameeyay dhoolatus militari oo aad u ballaaran oo ka dhacay bariga dalkaas, gaar ahaan agagaarka magaalada Derna.
Dhoolatuskan oo ay saraakiishu ku tilmaameen kii ugu weynaa ee ay weligeed qabato, ayaa soconaya muddo laba toddobaad ah, waxaana la qorsheynayaa inuu dhammaado 19-ka May, iyadoo lagu xusayo sanad-guuradii “Hawlgalka loogu magic daray Sharafta” ee 2014 oo lagula dagaallamay kooxo jihaad doon ah, oo ay ku jirto Daacish.
Goobta dhoolatuska ayaa lagu soo bandhigay ciidamo aad u badan, gaadiid gaashaaman iyo nidaamyada difaaca hawada oo ay ka mid yihiin qalabka Ruushku sameeyo ee Pantsir, iyadoo ay ka qeyb galayaan in ka badan 25,000 oo askari.
Saraakiisha LNA ayaa sheegay in dhoolatuska uu yahay fariin loo dirayo “saaxiibada iyo cadowga,” isla markaana lagu muujinayo awoodda militari ee ciidanka iyo sugidda amniga dalka.
Marshal Khalifa Haftar, oo 82 jir ah, iyo qaar ka mid ah wiilashiisa oo ay ku jiraan saraakiil sare, ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan bandhigga ugu weyn ee dhoolatuska.
Dhanka kale, saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in LNA ay awood u leedahay ilaalinta xuduudaha dalka, iyagoo ka digay khataro ay ku tilmaameen kooxo hubeysan oo ka imaanaya dalalka deriska ah sida Mali iyo Niger.
Si kastaba ha ahaatee, hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa horey u dhaliilay kooxaha ku xiran LNA, iyagoo ku eedeeyay tacaddiyo ay ka mid yihiin xarig aan loo meel dayin iyo xoog ku maamulid.
Liibiya ayaa weli kala qeybsan tan iyo burburkii dowladdii Mucammar Al-Qadaafi ee 2011, iyadoo dalka uu u kala qaybsan yahay maamul fadhigiisu yahay Tripoli oo ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay, iyo maamul bariga dalka ka taliya oo uu hoggaamiyo Haftar.
Dhoolatuskan ayaa sidoo kale imaanaya xilli ay jiraan dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in dib loogu mideeyo hay’adaha dowladda iyo dhaqaalaha dalka.




