Ciidanka Somaliland iyo jabhad hubeysan oo ku dagaalamay duleedka Hargeysa

0

HARGEYSA (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo u dhexeeyay ciidamada milatariga Somaliland iyo jabhad la magac baxday Dulmidiid oo manta ka dhacay duleedka magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulkaasi.

 

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada Somaliland ay weerar ku qaadeen jabhaddaas oo ku sugan aagga buurta Gacan-Libaax oo ka tirsan gobolka Saaxil, halkaas ay ku dagaalameen labada dhinac, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac intaba.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Isku Dar oo u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee maamulkaasi.

Jabhaddan oo dhawaan lagu dhawaaqay ayaa la sheegay inay diidan tahay muddo kororsiga doorashada ee madaxweyne Biixi, taas oo si weyn la’isugu hayo.

Cabdirashiid Macallin kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ayaa sheegay in dagaalkan uu salka ku hayo awood qaybsiga iyo diidmada doorashada.

Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaalado adag oo is-biirsaday sida muranka hareeyay doorashada iyo xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here