NISA oo Sheegtay in Howlgal ka Dhacay Shabeellaha Hoose lagu Dilay Xubno ka Tirsan Al-Shabaab

0

Muqdisho – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa sheegay inay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Tawakal ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka lagu dhaawacay qaar ka mid ah horjoogeyaasha kooxda.

 

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxday NISA, howlgalka ayaa lagu beegsaday xarun ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Tawakal, kaddib markii hay’addu ay heshay xog sirdoon oo lagu xaqiijiyay in halkaasi ay ku sugnaayeen horjoogeyaal muhiim u ahaa kooxda. Bartilmaameedka ayaa ahaa goob gudaha ah oo ay horjoogeyaashu si gaar ah ugu kulmi jireen, waxaana la beegsaday xilli ay halkaasi ku sugnaayeen.

NISA ayaa sheegtay in horjoogeyaashii goobta ku sugnaa ay ka mid ahaayeen Yoonis Macalim Abuukar, oo qaabilsanaa deegaanka Mushaani; Abuu Xaaji Fareey, oo ahaa horjoogaha maleeshiyaadka deegaanka Tawakal; Ayaatullaahi, oo ahaa horjoogaha Jabhadda Gobolka Shabeellaha Hoose; iyo Cabdifitaax Rooble, oo ahaa horjoogihii Baadda ee deegaanka Baladul-Amiin.

Xogta hordhaca ah ee NISA ayaa tilmaamaysa in Yoonis Macalim Abuukar iyo Cabdifitaax Rooble ay dhaawacyo culus ka soo gaareen howlgalka. NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, laguna burburinayo horjoogeyaasha kooxda iyo goobaha ay u adeegsato abaabulka iyo qorsheynta falalka amni-darrada.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here