Shabeellaha Hoose – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dagaal culus la galay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay ciidamadu howlgallo ka dhan ah kooxda ka wadeen deegaannada u dhexeeya Leego iyo Iidow Jalaat ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalku ka dhacay deegaanka Shanta Baraako, oo ku yaalla duleedka degmada Leego, kaddib markii ciidamada dowladda ay halkaas kula kulmeen maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo isku uruursanayay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay dagaalka kaga adkaadeen maleeshiyaadkii, isla markaana ay burburiyeen fariisimihii ay kooxda ku lahayd deegaankaasi.
Dhanka kale, ilo wareedyo la sheegay inay ku dhow yihiin kooxda Al-Shabaab ayaa tilmaamaya in dagaalka lagu dilay xubno muhiim ah oo kooxda ka tirsanaa, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Cabdifitaax Gaalgooriyow iyo Cabdulqaadir Xuseen.
Labadan xubnood ayaa la sheegay inay mas’uul ka ahaayeen isku socodka waddooyinka ay isticmaalaan madaxda Al-Shabaab ee aagga u dhexeeya Leego iyo Buurhakaba, gaar ahaan isgoysyada Jiiro Yaasiin, Jiiro Kuulow, Iidow Jalaat iyo Dhargo, kuwaas oo isku xira waddooyin muhiim ah oo u kala goosha gobollada waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya.
Ciidanka Xoogga Dalka ee ku howlgallaya magaca Hawlgalka Banooda ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday howlgallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, laguna xaqiijinayo xaaladda amni ee deegaannadaasi.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo amniga waddooyinka muhiimka ah, laguna wiiqayo awoodda Al-Shabaab, si loo sugo nabadda, xasilloonida iyo isu socodka shacabka Soomaaliyeed.




