Baydhaba – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaannada Warta Madax Maroodi iyo Leego ee gobolka Baay, kuwaas oo barbar socday duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.
Bayaan kasoo baxay Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa lagu sheegay in howlgalladu isugu jireen weerarro dhulka ah oo ay fuliyeen ciidamada Danab iyo duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen saaxiibada caalamka, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidanka Danab ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay afar horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay qeyb ka ahaayeen xubnaha kooxda ee ka howlgala deegaannada lagu qaaday weerarrada.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah howlgallada wadajirka ah ee ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ka wadaan gobollada dalka, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab, laguna burburiyo goobaha ay ku leeyihiin deegaannada miyiga ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo taageero dhinaca cirka iyo xogta sirdoonka ah ka heleysa saaxiibada caalamka, gaar ahaan Mareykanka.




