WASHINGTON — Somaliland ayaa diyaar u ah inay ilaa 2,000 askari ku biiriso Ciidanka Caalamiga ah ee Xasilinta Gaza, balse waxay sugaysaa in Mareykanka ama Israa’iil ay si rasmi ah uga codsadaan, sida uu sheegay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.
Madaxweyne Cabdullaahi ayaa hadalkan Arbacadii ka sheegay magaalada Washington, halkaas oo uu ka qeybgalayay shirka MEAD. Wuxuu sheegay in Somaliland aysan si iskeed ah u dalbanayn inay ciidamo dirto, balse ay diyaar tahay haddii laga codsado.
“Haddii nala weydiisto, waan bixin karnaa,” ayuu yiri Cabdullaahi, isaga oo intaas ku daray: “Inkastoo aanan annagu iskaa isu soo bandhigayn, haddii la i weydiisto, waan diyaar ahay.”
Ciidanka caalamiga ah ee loo qorsheeyay Gaza ayaa ugu dambeyn lagu wadaa inuu gaaro ilaa 20,000 oo askari. Uganda ayaa oggolaatay inay bixiso ku dhawaad 1,200 askari, halka Morocco ay ballanqaadday ilaa 500 askari. Albania, Kazakhstan iyo Kosovo ayaa sidoo kale sheegay inay ciidamo ku biirin doonaan ciidanka uu hoggaaminayo Mareykanka.
Ciidanka ayaa loo qorsheeyay inuu ka shaqeeyo sugidda amniga, tababarka booliiska Falastiin, fududeynta gargaarka bani’aadannimo iyo ka hortagga in Xamaas dib u soo ceshato awooddeeda militari.
Cabdullaahi wuxuu sheegay in Somaliland ay leedahay ciidan ku dhow 25,000 oo askari iyo Ilaalada Xeebaha oo gaaraya ku dhawaad 1,500 xubnood. Wuxuu xusay in Somaliland aysan horey ciidamo ugu biirin hawlgal ciidan oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika.
Hadallada madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli Somaliland ay raadineyso inay xoojiso xiriirkeeda caalamiga ah, gaar ahaan kadib markii Israa’iil ay bishii December 2025 noqotay maamulkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.
Somaliland waxay madax-bannaanideeda ku dhawaaqday 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, balse dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli u aragta Somaliland inay qayb ka tahay dhulkeeda.
Bishii June, Somaliland waxay safaarad ka furtay Qudus, xilli Cabdullaahi uu booqasho rasmi ah ku tagay Israa’iil. Safaaradda ayaa noqotay tii ugu horreysay ee Somaliland si rasmi ah ugu magacowdo safaarad, inkastoo ay Taiwan ka furtay xafiis wakiilnimo u eg safaarad sanadkii 2020.
Cabdullaahi ayaa sheegay in aqoonsiga Israa’iil uu si weyn u kordhiyay indhaha caalamka ee ku jeeda Somaliland.
“35 sano ayaan dunida oo dhan ka codsanaynay inay na aragto, haddana way na soo eegayaan,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale la filayaa inuu toddobaadka soo socda la kulmo xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka, oo uu ku jiro Senator Ted Cruz, oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u taageera aqoonsiga Somaliland.
Cabdullaahi wuxuu sheegay inuusan haynin ballanqaad Mareykan ah oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland, balse uu xusay in dowladdiisu kala hadashay mas’uuliyiinta Mareykanka arrimaha aqoonsiga iyo iskaashiga amniga.
“Waxaan nahay kuwo rajo wanaagsan qaba,” ayuu yiri.
Aqoonsiga Israa’iil ayaa dhanka kale sii kordhiyay xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo Turkiga uu si adag uga hor yimid tallaabada Israa’iil, isla markaana ku adkeystay in Somaliland ay qayb ka tahay Soomaaliya.
Cabdullaahi ayaa sheegay in tallaabooyinka Turkiga ay muujinayaan in aqoonsiga Israa’iil uu Somaliland u leeyahay saameyn amni oo muuqata.
“Wax bilaash ah ma jiraan. Wax walba waxay leeyihiin dhinac taban iyo dhinac wanaagsan,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay hadda u baahan tahay hub iyo tiknoolajiyad militari oo horumarsan, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya iyo wasiirka gaashaandhigga ay si cad uga hadleen duullaan ka dhan ah Somaliland.
“Waxaan u baahan nahay ilaalin,” ayuu yiri, isaga oo sheegay in Somaliland ay taageero ka raadinayso Israa’iil, Mareykanka iyo xulafadeeda kale si ay “xaaladda isu dheellitirto”.
Cabdullaahi wuxuu sheegay inaysan hadda Somaliland ka jirin joogitaan ciidan oo Mareykan ama Israa’iili ah, balse uusan meesha ka saarin in mustaqbalka la sameeyo joogitaan noocaas ah, kaas oo uu sheegay inuu keeni karo dheelitirnaan iyo ka-hortag khataro amni.



