Mareykanka oo Nin Soomaali ah ku xiray xabsiga Guantanamo Bay

0

WASHINTON – Adan Abdullah, oo 31 jir ah, Soomaali ah kuna noolaa gobolka Minnesota, ayaa loo qaaday xabsiga milatari ee Mareykanka ee Guantanamo Bay, ee ku yaalla dalka Cuba, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

 

Adan ayaa sheegay in saraakiil federaal ah ay qabteen bishii December, xilli maamulka Madaxweyne Donald Trump uu bilaabay howlgalka tarxiilka dadka Soomaalida ah ee aan wali qaadan baasaboorka. Wuxuu sheegay in aan loo soo bandhigin waaran ama loo sheegin sababta loo qabtay.

Wuxuu Mareykanka tagey 2023 isagoo magangelyo doon ah, waxaana loo oggolaaday inuu shaqeeyo, isagoo helay lambarka Social Security-ga. Waxa uu ka shaqeynayay farsamada baabuurta, halka diiwaannada maxkamadaha Minnesota laga sheegay in aan laga helin wax dambi ah oo uu galay, marka laga reebo laba ganaax oo baarkin ah.

Abdullah ayaa sheegay in loo kala wareejiyay xarumo lagu hayo dadka oo ku yaalla Minnesota, Kentucky iyo Louisiana, kadibna loo sheegay in Soomaaliya dib loogu celinayo iyadoo laga sii marinayo Miami. Hase yeeshee, halkii Soomaaliya loo diri lahaa, waxaa loo qaaday Guantanamo Bay.

Wuxuu sheegay inuu ku jiro xabsiga muddo ku dhow laba toddobaad, isla markaana uu ka mid yahay 8 Soomaali ah oo lagu hayo Guantanamo Bay, kuwaas oo qaar ka mid ah laga soo qabtay deegaanka Twin Cities. Dowladda Mareykanka weli ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan sababta Adan Abdullah iyo dadka kale loogu qaaday xabsigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here