Culimada Puntland oo ka hortimid xeer horyaalla baarlamaanka maamulkaasi

0

Qaar ka mid ah culimada Puntland ayaa ka horyimid xeerka gudniinka gabdhaha oo dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiirada Puntland, hadana horyaalla baarlamaanka.

Culimada ayaa sheegay in xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha uu yahay mid ka hor imanaya qodobka 9-aad ee dastuurka Puntland iyo sharciga Islaamka.

Sidoo kale Culimada ayaa baarlamaanka Puntland ugu baaqay in aysan meel-marin hindise sharciyeedkan oo ay ku tilmaameen mashruuc dana gaar ah laga leeyahay.

Xeerka muranka dhaliyay oo ay soo gudbisay wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha Diinta Puntland ayaa mamnuucaya gudniinka gabdhaha nooc walba oo uu yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here