Wafdi ka socda DF Soomaaliya oo gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug

0

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ahna Murashax Xildhibaan Golaha Shacabka ah mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (al-Cadaala) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalo Xeebeedka Qadiimiga ah ee Hobyo gobolka Mudug.

Wasiirka, ayaa  xarigga ka jari doona inta uu joogo Hobyo Mashaariic kala duwan oo deegaanka uu ka hirgeliyay oo uu ka mid yahay Dugsigii sare ee ugu horeeyay oo ay yeelato degmada Hobyo, waxaana xusid mudan in Wasiirka uu bixiyay dhulka laga dhisay dugsiga iyo kharashka lagu dhisay intaba.

Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, ayaa dhagax dhigi doona Isbitaal wayn oo adeegyada Caafimaadka oo dhan ay ka helaan dadka deegaanka, xili baahi wayn oo xagga caafimaadka ah ka jirto degmada Hobyo.

Sidoo kale waxaa ku wehlinayo Xildhibaanno ka tirsan barlamaanka federaalka Soomaaliya iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here