DAAWO: Waa maxay halista ka dhalan karta bastoolada baaruuda?

0

Muqdisho (SMN) –  Dr. Abdisamad Xasan, oo ah dhakhtar ku takhasusay indhaha, kana howlgalla Isbitaalka Indhaha ee Mustaqbal ee magaalada Muqdisho, ayaa ka digay halista caafimaad ee ay leeyihiin bastooladaha baaruuda ee carruurta ku ciyaarto maalmaha Ciidda.

 

Dr. Xasan ayaa sheegay in bastooladahani ay khatar weyn ku yihiin indhaha carruurta, iyadoo baruurada rasaasta ay sababi karto dhaawacyo gaara aragga carruurta, loona baahan yahay in laga feejignaado.

“Bastooladaha baaruuda ee carruurta ku ciyaarto waa halis aan la iska indho tiri karin. Waxaan arkay kiisyo badan oo carruur indhahooda waxyeelo ka soo gaartay baaruudan,” ayuu yiri Dr. Abdisamad.

Inkastoo halistaas jirto, haddana bastooladahan ayaa si furan loogu iibinayaa suuqyada xilliga Ciidda, iyadoo waalidiinta qaar ay u iibiyaan carruurtooda iyaga oo aan ka warqabin halista ka dhalan karta.

Dr. Xasan ayaa ku baaqay in waalidiinta Soomaaliyeed ay ka feejignaadaan iibsashada bastooladahan khatarta ah, isla markaana ay doorbidaan agabyo kale oo aan wax dhibaato ah u geysaneyn badqabka carrurtooda.

Mustaqbal Eye Hospital oo ku aalla Magaalada Muqdisho ayaa bixiya adeegyo iyo tallooyin caafimaad oo indhaha la xiriira, waxaana dhakhaatiirtiisu ay si joogto ah uga shaqeeyaan wacyigelinta iyo badbaadinta aragga Shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here