Dab geystay khasaare hantiyeed oo xalay ka kacay isgoyska Siinaay

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab geystay khasaare hantiyeed oo xalay ka kacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Dabkan oo ka dhashay koronto ayaa waxaa uu saameyn xoog-leh ku yeeshay goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi iyo guryo ay daganaayeen dad shacab ah.

Sidoo kale dadka deegaanka iyo gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee dab damiska oo goobta gaaray ayaa ku guuleystay inay damiyaan dablkaasi oo geystay khasaare hantiyeed oo xoog-leh.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa goobo ganacsi oo ku yaalla magaalada Muqdisho waxaa siyaabo kala duwan uga kacay dab geystay khasaare, waxaana ugu dambeeyey mid todobaadkii hore ka kacay isgoyska Black Sea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here