Dad Haraad iyo Gaajo ugu dhintay Gedo iyo wararkii ugu dambeeyey

0

GARBAHAAREY (SMN) – Wafdi ka socda hey’addo caalami ah oo u kuur galayey xaaladda abaarta, ayaa gaarey magaalada Doolow ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Ujeedada safarkooda ayaa lagu sheegaa iney qiimeyn ku sameynayaan, inta ay la’eg tahay dhibaatada abaarta ee ka jirta deegaankaasi.

Gobolka Gedo, ayaa kamid ah goobaha ay sida weyn u saameysay abaarta ka dhalatey roob la’aanta, waxaana lasoo wariyey in illaa saddex qof ay dhinteen Haraad iyo Gaajo.

Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey), oo ah guddoomiyaha degmada Dooloow, ayaa sheegay in hey’adahani ay kasoo jawaabeen qeylo dhaan uu maamulku u diray.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku darey in qiimeyn xaalad kadib, ay hay’aduhu balan qaadeen iney lasoo gaaraan dadka iyo duunyada ku nool gobolka Gedo baad iyo biyaba.

Hey’addaha ayaa isugu jira kuwo Yurubiyaan ah, iyo kuwa kale oo ka socdey Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here