Dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada Jubbaland oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dukeedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid, kadib weerar ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalle Biroole ee gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay dagaalka isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan la caddeyn karin, inta uu la’egyahay.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland oo ka hadlay dagaalkaas ayaa shaaciyey inay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, ayna khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here