Dagaal culus oo markale dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka markale uu dagaal culus dib uga qarxay duleedka bari ee magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo.

 

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haatan ka socdo aagga deegaanka Maraaga, halkaas oo ay ku dagaalamayaan labada dhinac.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana xaalad adag ay haatan ka taagan tahay bariga Laascaanood.

Sidoo kale waxaa jirta duqeyn xoogan oo barbar socota dagaalkan, ayada oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan madaafiic xoogan.

Dagaalkan ayaa ku soo aadayo, xilli ay maanta Somaliland u dabaal-dageyso xuska 18-ka May oo ku beegan maalinta aas-aaskeeda oo hadda laga joogo muddo 32 sanno ah.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa daganeyd muddooyinkii u dambeeyay, balse dagaallada ayaa markale dib u billowday saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, kuwaas oo ku sii fiday deegaano horleh oo ka tirsan isla gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here