Baydhabo – Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka uu halkaasi ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamo kala taabacsan dhinacyo iska soo horjeeda.
Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan magaalada, ciidamada daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa weerar ku qaaday qeybo ka mid ah Baydhabo, iyadoo la sheegay in ay la wareegeen meelo muhiim ah oo magaalada kamid ah.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu billowday salaaddii Subax, wuxuuna ku fiday xaafado dhowr ah, iyadoo rasaas culus laga maqlayo agagaarka saldhigga booliiska ee magaalada.
Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale tilmaamaya in dad rayid ah ay bilaabeen inay ka barakacaan goobaha ay colaaddu saameysay, sababo la xiriira cabsi amni iyo rasaasta socota.
Ilaa iyo hadda ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyada ku lugta leh dagaalka, waxaana adag in si madax-bannaan loo xaqiijiyo khasaaraha ka dhashay iska horimaadyada socda.




