Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada Dhoobley

0

DHOOBLEY (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaal khasaare geystay uu ka dhacay degmada Dhoobley oo ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyey dagaalyanno ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada nabad sugidda Jubbaland ee ka howl-gala magaaladaasi.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkan ayaa sheegatay inay ku dishay askar ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ee ku sugnaa saldhigga uu dagaalka ka dhacay, sidoo kalena ay ka soo furteen saanad milatari, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Jubbaland iyo maamulka degmada Dhoobley oo ku aadan dagaalkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here