Ra’iisul wasaare Rooble oo war kasoo saaray geerida Wariye Cabdicasiis Afrika

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS mudane maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicaziz Maxamuud Guuleed Afrika oo xalay lagu dilay qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa yiri “Allaha u naxariisto Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ku geeriyooday qarax caawa argagixisadu la beegsadeen.Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, bahweynta saxaafadda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed”.

Ra’isulwasaaraha XFS ayaa ku daray hadalkiisa in uu ahaa Cabdicasiis  saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah.

Naxariistii janno Allaha ugu deeqo annagana samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo. Waxaan dhaawacyada Allaah uga baryayaa in uu deg deg u bosiiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here