Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Galgaduud

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay duleedka deegaanka Balanballe oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo geystay khasaare kala duwan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay tuulada Haraale oo ka tirsan gobolkaasi, kadib markii ay isku dhaceen labo maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu salka ku hayo dilal la xiriira anaooyin Qabiil oo ka taagan nawaaxiga deegaanka Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 1 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 7 ruux oo kale oo isugu jiro dhinacyadii dagaallamay iyo sidoo kale dad shacab ah.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana is hor-fadhiya dhinacyadii ku dagaallamay halkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka maamulka Galmudug oo ku aadan xiisadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here