Shirka wada-tashiga doorashooyinka oo maanta looga hadlayo arrimo xasaasi ah

Shirka Golaha wada tashiga Qaran ee Arimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya,maamul goboleedyadda iyo gobolka Banaadir ayaa maalintii saddexaad galay.

Shirkan oo uu guddoominayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa shalay diirada lagu saaray ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan.

Shirka maanta ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa ajandayaasha horyaala shirka oo muhiim u ah doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2021-ka.