Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Buulo-Burte iyo Jalalaqsi oo ka wada tirsan gobolkaasi, waxaana intii uu socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay qaadeen ciidamada milatariga Soomaaliya, waxaana xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Ceelbacad oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay dagaalkaasi ayaaa sheegay inay guullo ka gaareen ciidamada dowladda, isla-markaana ay ku dileen illaa 25 dagaallame.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ka socday howl-gallo iyo dhaq dhaqaaqyo milatari oo ay gobolladaasi ka wadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here