Galmudug oo kala dirtay guddigii dhismaha ee golaha deegaanka

0

Wasaaradda arimaha guddaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa kala dirtay guddigii farsamada ee dhismaha golayaasha degmooyinka deegaanada ka tirsan maamulkaasi.

Warqad kasoo baxday xafiiska wasiir ku xigeenka arrimaha guddaha Galmudug, ahna sii-haya xilka wasiirka wasaaraddaasi, Mudane Axmed Cismaan Aadan ayaa waxaa lagu sheegay in guddigaasi la kala diray, kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka soo kala dhex-galay guddoonka sare iyo xubnaha kale ee guddigaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

1: Kaddib Markay Caddaatay khilaafka ka dhex jira Guddoonka Guddiga iyo Xubnaha kale o0
gaaray heer aad u sareeya;

2: Kaddib Markay Wada-shaqeyn la’aanta ka dhex jirta Guddoonka Guddiga iyo xubnaha kale
ee Guddiga iskuna khilaafay hab-raaca dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Balanballe.

3:Kaddib Markaan arkay xadgudubyada lagu sameynayo qoraallada iyo hadallada Madaxda
sare ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

4: Kaddib Markaan la tashi ballaaran la sameeyey bulshada iyo Madaxda Galmudug, in la go’aan saday in la kala diro Guddigii Farsamada ee dhismaha golayaasha degaannada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here