Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Sool

0

Ugu yaraan hal ruux ayaa  ku dhintay iska hor-imaad hubaysan oo maanta ka dhacay nawaaxiga tuulada Saax-Maygaag oo u dhexeysa Birta-dheer iyo degmada Boocame.

Labo maleeshiyo beeleed ayaa ku diriray miyiga lagu magacaabo Balli-cad oo dhanka hawdka ka xiga tuulada Saax-Maygaag halkaas oo iska hor-imaad kooban ka dhacay.

Sidoo kale deegaankaas waxa ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexeysa laba malayshiya-beeleed oo ka soo kala jeeda Boocame iyo Birta-dheer.

Dhowaan ayey aheyd markii labada dhinac ay ku dagaallameen tuulada Saax-Maygaag waxaana weli is hor-fadhiya dhinacyadii dagaallamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here