Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Beledweyne

0

Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay kala qaadaan ciidammadii is diidanaa ee isku hor fadhiyay magaalada Baledweyne.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii ciidammo gadooday ay qabsadeen xarunta gobolka ee magaaladaasi, kuwaas oo diidanaa in magaalada uu yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Odayaashu waxa ay sheegeen inay tahay in la furo wadahadallo lagu xallinayo tabashooyinka jira, hasayeeshee ay middaasi tahay inay garwadeen ka noqoto dowladda federaalka ah, maadama dadka gobolkaasi iyo maamulka Hirshabeelle ay is-hayaan.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidammo ka tirsan milateriga Soomaaliya iyo kuwa uu hoggaaminayo Janeraal Xuud ay qabsadeen qaybo ka mid ah magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here