Dagaal khasaare geystay oo xalay ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Ugu yaraan 6 askari oo ka tirsanaa ciidamada Galmudug ayaa xalay lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Balli-Biri oo dhaca duleedka waqooyi ee magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah maamulkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada Ahlu Sunna ay weerar dhabagal ah ku qaadeen laba gaari oo ay wateen ciidamadaasi oo ka soo baxay dhanka madaxtooyada Galmudug.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada Ahlu Sunna ay gubeen mid ka mid ah baabuurta nooca dagaalka oo ay wateen ciidamada la weeraray.

Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo kasoo baxay dhanka dowlad goboleedka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here