Dagaal u dhexeeyo ciidamo ka wada tirsan kuwa DF oo ka socda Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka Dowladda, gaar ahaan kuwa Xasilinta iyo Ciidan kale oo ka amar qaata Generaal Sheegow ayaa wuxuu ka socdaa Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

 

Dagaalkan oo xalay ka qarxay Isgooyska Xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir ayaa ku fiday Degmada Dharkenley kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay isku dayeen in ay soo xiraan Janaraal Sheegow, kaasi oo sida la sheegay ay Ciidankiisu dhac ka geysteen qeybo ka mid ah Degmada Wadajir.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dadka degaanka, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Dagaalkan ayaa daba socda laba nin oo laga xiray Janaraalka, kuwaasi sida la tilmaamay loo diiday Janaraalka in lagu soo wareejiyo maadaama la soo qabtay iyaga oo dhac geysanaya.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay dagaalka uu weli socdo islamarkaana la isugu adeegsanayo hubka culus.

Dadka degaanka qaarkood oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa sheegaya in barakac uu ka bilowday Xaafadda Kaawo Godey, maadaama halkaasi uu ka socdo dagaal culus.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Janaraalka uu helay gurmad ciidan, taasi keentay in dagaalka uu qaato saacado badan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle in suurti-galnimada in dagaalka lagu biiriyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran si ay u soo xiraan Janaraalka iyo Ciidankiisa.

Xiriiro kala duwan aanu la sameynay Janaraal Sheegow ayaa innoo suuro gelin in aan qadka ku haleelno si wax aan wax badan uga weydiino waxa sababay dagaalka ay Ciidankiisa la galeen kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Illaa hadda majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Hay’addaha ammaanka oo ku aadan dagaalka ka socda Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here