Faah-faahino kasoo baxaya hoobiyeyaal saaka lagu weeray garoonka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) โ€“ Jug culus ayaa saaka aroortiui hore laga maqlay dhanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kadib markii hoobiyeyaal lagu garaacay.

 

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in illaa labo Hoobiye inay ku dhaceen agagaarka garoonka iyadoo mid 3-aadna uu ku dhacay gudaha garoonka.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in hoobiyeyaashan ay geyteen khasaare u badan dhaawac, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka.

Wararka ayaa intaas ku daray in weerarkan uu saameyn ku yeeshay shaqaalaha garoonka oo saacado lagu celiyay bannaanka hore, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaa.

Illa hadda lama garanayo halka laga soo tuuray hoobiyeyaasha saakay, oo dhawaqooda laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqalaha ugu weyn dowladda waxuu waayadaan dambe soo jiidanayay indhaha caalamka, ayadoo diyaaradaha caalamiga ah ee duulimaadka ka billaabay ay kordheen.

Weerarrada lagu qaado garoonka diyaaradaha iyo xarunta Xalane waa ay ka saammayn badanyihiin kuwa ay sida joogtada ah Al-Shabaab uga fuliyaanย  Muqdisho dhexdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here