Baydhabo – Wararka laga helayo duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal culus uu u dhexeeyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).
Dagaalka ayaa la sheegay inuu saacadihii lasoo dhaafay sii xoogeystay, iyadoo saraakiisha hoggaamineysa ciidamada taageersan Lafta Gareen ay maalmihii dambe abaabul ciidan ka wadeen deegaanno ku dhow Baydhabo.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan Lafta Gareen ay dagaalka ku yeesheen awood dheeraad ah, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha guud ee labada dhinac.
Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay geerida saraakiil sare oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ahaa taliye-yaashii Guutooyinka 9-aad iyo 8-aad ee Qaybta 60-aad, Taliye Yoonis Aadan iyo Taliye Cali Adoow. Saraakiishan ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen dagaallada socda.
Xiisadda ayaa sare u kacday xilli dhawaan magaalada Baydhabo ay ka dhacday doorashada golaha deegaanka, taas oo sii kordhisay khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee ka taagan deegaanka.
Waxaa jira cabsi laga qabo in dagaalka uu ku fido deegaanno kale oo ku dhow Baydhabo, iyadoo shacabka deegaanka ay walaac ka muujinayaan saameynta colaadda iyo xaaladda amni ee sii xumaaneysa.



