Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Natiijada Doorashada Koonfur Galbeed

0

Baydhabo – Guddiga Doorashooyinka ayaa shaaciyay natiijada doorashadii golaha deegaanka ee dhawaan ka dhacday deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo.

 

Doorashadan oo ay ka qeyb galeen xisbiyo kala duwan ayaa lagu soo gabagabeeyay codbixin ay shacabka deegaanka si toos ah uga qeyb qaateen, iyadoo lagu tilmaamay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu muhiimsanaa ee heer deegaan ee dhowaan ka dhacay dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa si rasmi ah u shaaciyay natiijada doorashada, isagoo faahfaahin ka bixiyay sida ay xisbiyadu u kala heleen codadka.

DAAWO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here