Dalalka ay ciidanka ka joogaan Somalia oo taageeray codsigii madaxweyne Xasan

0

Waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ayaa taageeray codsigii madaxwenaha Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilod ah sababo farsamo loo hakiyo bixintaanka wejiga labaad ee ciimadama ATMIS.

 

Waddamadan oo qoraal rasmi ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay taageero u hayaan codsiga Soomaaliya ee ah in bixintaanka 3,000 oo ciidanka ATMIS ah dib loo digo muddo 90-maalmood ah.

Waddamadan ayaa qoraalkooda ku ammaan dowladda Fedeeraalka ah dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsigeeda sal uga dhigtay in dhammaan xaaladaha taagan aysan oggolaaneyn in ATMIS ay ka wada baxaan fariisimaha ay dalka kaga sugan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here