Danjiraha Somalia ee Sucuudiga oo booqday Bangiga Horumarinta Islaamka

0

RIYAD (SMN) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed  ayaa kulan la qaatay madaxa Bankiga Hormurinta Islaamka (IsDB), Mudane, Dr. Muhammad Al Jasser.

 

Kulanka oo ka dhacay xarunta Bangiga ee magaalada Jidda ayaa waxaa labada masuul uga wada hadleen wadiiqooyinka lagu xoojin karo iskaashiga iyo taageerada dhanka horumarka ee Soomaaliya.

Intii kulanku socday, labada dhinac ayaa isdhaafsaday aragtiyo ku aaddan qeybaha kala duwan ee laga sameyn karo horumar iskaashi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka. Dr. Maxamed Al Jasser ayaa ku dheeraaday muhiimadda Soomaaliya maadaama ay tahay  dal leh kheyraad dabiici ah oo aad u ballaaran, isla markaana leh awood dhanka kobaca iyo horumarka ah. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay ka go’an tahay Bangiga Horumarinta Islaamka in uu ka caawiyo Soomaaliya sidii ay uga guuleysan lahayd caqabadaha ku hor gudban.

Danjire Aweys Haji Yusuf ayaa uga mahadceliyay Bangiga Horumarinta Islaamka taageerada joogtada ah iyo garab’istaagga uu muujiyo xilliyada adag, isagoo hoosta ka xarriiqay doorka bangigu ku leeyahay tallaabada ay Soomaaliya u qaadday dhanka horumarka.

“Soomaaliya, barnaamijka deyn-cafinta kaddib waxay muhiimad gaar ah siinaysaa barnaamijyada noocaan oo kale ah. Waxaan hadda aad ugu tashanaynaa taageerada Bangiga Horumarinta Islaamka, ee wejigaan cusub.” ayuu yiri mudane Aweys.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay dardarta iyo firfircoonida ay ku socdaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee dalka ee ay qurbajoogtu taageerayso,isagoo dhanka kale taabtay kaalinta laxaadka leh ee ay qaadanayaan dhallinyarada oo tirada guud ee bulshada Soomaaliyeed ka ah 70%. Wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda federaalka ah uga go’an tahay horumarinta shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah si loo tabantaabiyo dhulkaan.

Labada dhinac ayaa isku raacay in aad loogu baahi qabo hannaan iskaashi oo ku salaysan howlaha hortebinta leh ee ay dowladda Soomaaliya dejisay, kaasoo uu wehliyo qorshe sare loogu qaadayo kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida dalka.

Ugu danbayn,kulanka ayaa waxaa lagu soo gunaanaday in la helo booqashooyinka kale oo caynkaan ah, iyo in wadahadalladaan halkooda laga sii ambaqaado si loo xoojiyo xiriirka wadashaqeyn ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka ee IsDP; iyadoo jidka loo xaarayo horumar waara iyo barwaaqo.

Soomaaliya ayaa xubin muhiim ah ka ah Bankiga Horumarinta Islaamka, ayada oo ay ka shaqeeyan tiro shaqaale caalami ah oo Soomaaliyeed oo kala hawlgala qeybaha kala duwan sida Maaliyadda, Ganacsiga, Maalgashiga, Qiimeynta, Isgaarsiinta, Tignoolajiyada Warfaafinta, Sharciga, iyo kuwa kale. Kala duwanaanshiyahan iyo ka mid noqoshadaan ayaa muujinaya isku xirnaanta adag iyo ka go’naanta labada dhinac ee ku wajahan gaaritaanka yoolalka la wadaago ee horumarka iyo mustaqbal ifaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here