Ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyay gobolka Baay + Sawirro

0

BUURHAKABA (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

 

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu burburiyay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka:-

Ururka 161’aad Guutada 16’aad kumaandooska Danab ayaa Howlgal Qorsheysan ka fuliyeen Deegaanada kala ah beeley iyo buur-haybe oo ka tirsan degmada buur-hakaba ee Gobolka Baay.

Geesiyaasha kumaandooska Danab XDS ayaa waxa ay burburiyeen fariisamo ay halkaas ku lahayeen khawaariijta Sidokale waxaa la burburiyeey goobohi khawaariijta dadka shacabka ah  kaga qaadi jireen baada ay ugu yeeraan sakaawaadka.

Ciidanka kumaandooska Danab XDS ayaa ah awooda sida tooska ah ugu hortagta baacsiga firxadka haraadiga khawaariijta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here