Danjiraha Soomaaliya ee Azerbaijan oo qaabilay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed

0

Baku – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Azerbaijan, Cabdinuur Daahir Fiidoow, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Baku si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), oo booqasho ku tagay safaaradda.

 

Guddoomiye Cali Shiine ayaa bogaadiyay dadaalka iyo shaqada diblomaasiyadeed ee Safaaradda Soomaaliya, isaga oo Danjiraha uga mahadceliyay sida dhow ee uu ula socday xaaladda ciyaartoyda iyo mas’uuliyiinta Xulka Qaranka Soomaaliya ee U-15 intii ay ku sugnaayeen dalka Azerbaijan, iyo garab-istaaggii uu u muujiyay.

Dhankiisa, Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay howlaha Safaaradda iyo dadaallada ay ku bixiso xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here