Moskow – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa kulan la yeeshay Xoghayaha Dowladda ahna Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Federaalka Ruushka, Igor Zubov.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga ee labada dal, gaar ahaan tababarka iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, horumarinta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha, iyo is-weydaarsiga khibradaha la xiriira sugidda amniga.
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa si gaar ah dhiggiisa Ruushka ugala hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerada iyo iskaashiga dhinacyada tababarka booliska ee la-dagaallanka argagixisada, ka hortagga fikirka xagjirka ah iyo wax ka qabashada sababaha horseeda xagjirnimada.
Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa awoodda hay’adaha amniga, loona ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada baarista dambiyada, amniga internetka iyo la-dagaallanka khataraha amni ee soo kordhaya.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Ruushka, Igor Zubov, ayaa muujiyay diyaar u ahaanshaha dalkiisa ee la wadaagista Soomaaliya aqoonta, khibradaha iyo tababarrada la xiriira la-dagaallanka dambiyada iyo xoojinta amniga.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo dhismaha awoodda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay si hufan uga hortagaan argagixisada, xagjirnimada iyo khataraha kale ee amniga dalka.




