Nairobi, Kenya – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle, ayaa ka qaybgalay socod 5KM ah oo ay magaalada Nairobi ku qabatay Hay’adda Midowga Afrika u qaabilsan Khayraadka Xoolaha (AU-IBAR), kaas oo halkudhig looga dhigay “Socodka loogu adeegayo khayraadka xoolaha, hab-nololeedka iyo bulshooyinka.”
Socodkan waxaa sidoo kale ka qaybgalay Agaasimaha AU-IBAR, Dr. Huyam Salih, Madaxa Ergada IGAD ee Nairobi, Dr. Fatuma I. Adan, iyo diblomaasiyiin kale iyo bahwadaag caalami ah. Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda khayraadka xoolaha iyo kaalinta ay ku leeyihiin dhaqaalaha, sugnaanta nolosha qoysaska, waxbarashada, caafimaadka iyo adkeysiga bulshooyinka xoolo-dhaqatada ee qaaradda Afrika.
Soomaaliya oo leh dhaqan soo jireen ah oo xoolo-dhaqasho, ayaa xooluhu u yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha iyo hab-nololeedka bulshada, iyagoo sidoo kale astaan u ah hidde-dhaqameedka iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay horumarinta xoolo-dhaqashada waarta, xoojinta adkeysiga bulshooyinka xoolo-dhaqatada iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo nolol-maalmeedka iyo barwaaqada bulshada ku tiirsan xoolaha.
Dalka Soomaaliya ayaa kamida dalalka sida Joogtada ah ay u caawiso Hay’adda Midowga Afrika u qaabilsan Khayraadka Xoolaha (AU-IBAR), Danjiraha ayaa ku dhiirigaliyay Hay’adda in kii kordhiso kaalmada ay siiso dalka Soomaaliya




