Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo Qaabilay Wakiilka WHO ee Soomaaliya

0

MUQDISHO – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Soomaaliya, Dr. Humphrey Karamagi, oo booqasho shaqo ku yimid xarunta safaaradda.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta, iyo taageerada dadaallada lagu horumarinayo caafimaadka Soomaaliya iyo wax ka qabashada caqabadaha caafimaad ee dalka.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Wakiilka WHO ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa isku-xirka hay’adaha iyo wada-shaqaynta dhinacyada kala duwan, si loo helo taageero wax-ku-ool ah oo gacan ka geysata dadaallada Dowladda Soomaaliya ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada nidaamka caafimaadka, loona xaqiijin lahaa in bulshada Soomaaliyeed ay hesho adeegyo caafimaad oo tayo leh oo waara. Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday sare u qaadista xirfadaha iyo aqoonta howlwadeennada caafimaadka ee Soomaaliya.May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here