Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyay Kulan Looga Hadlay Diyaar-garowga Saamaynta El Niño

0

Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Guddiga Heer Wasiir ee Diyaar-garowga iyo ka Jawaabidda Saamaynta El Niño ee Dowladda Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA).

 

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay diyaar-garowga fatahaadaha iyo saameynta laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobabka El Niño, iyadoo la isla eegay qorshayaasha looga hortagayo iyo lagu yareynayo khataraha fatahaadaha, ilaalinta nafta iyo hantida bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa gurmadka degdegga ah.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo diyaar-garowga, isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo kuwa samafalka, iyo in la diyaariyo agabka iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah wax-ka-qabashada xaaladaha degdegga ah.May be an image of daisMay be an image of one or more people, table, dais and textMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here