Danjiraha Soomaaliya Ee Masar Oo Ka Qaybgalay Munaasabad Lagu Sagootinayay Hoggaanka Jaamacadda Carabta

0

QAHIRA – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, Mudane Cali Cabdi Awaare, ayaa ka qaybgalay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusayay laguna sagootinayay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abulqayd, iyo kaaliyihiisa Xusaam Seki, kuwaas oo muddo-xileedkoodu ku eg yahay 30-ka Juun 2026.

 

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabiyeen danjirayaasha dalalka Carabta ee u fadhiya Masar iyo Jaamacadda Carabta ayaa lagu maamuusay labada mas’uul oo muddo toban sano ah hoggaaminayay Jaamacadda Carabta, iyadoo lagu guddoonsiiyay billado sharaf iyo abaalmarinno heer sare ah oo lagu aqoonsanayo doorkii ay ka qaateen horumarinta iyo xoojinta shaqada ururka.

Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa munaasabadda ka xusay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isaga oo tilmaamay in xaaska Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Marwo Layla Kamaaluddiin Saalax, ay tahay gabadha Danjire Kamaaluddiin Saalax oo ahaa Safiirkii Masar ee Soomaaliya intii u dhaxaysay sannadihii 1954 ilaa 1957.

Danjiraha ayaa sheegay in Danjire Kamaaluddiin Saalax uu ku shahiiday Soomaaliya 16-kii Abriil 1957, xilli uu kaalin muuqata ka qaadanayay taageerada halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed, taas oo Soomaaliya ay weli si gaar ah u xasuusato.

Mudane Awaare ayaa carrabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay qadarin gaar ah u hayaan taageeradii taariikhiga ahayd ee dowladda Masar ay la garab istaagtay Soomaaliya xilligii xorriyad-doonka iyo dhismaha dowladnimada, isagoo bogaadiyay xiriirka qotada dheer ee labada dal ee walaalaha ah.May be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here