ISLAMABAD – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Pakistan, Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan, iyo diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska Maalinta Afrika 2026, taas oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Daraasaadka Istaraatiijiyadda ee Islamabad (ISSI), gaar ahaan Xarunta Afrika, Bariga Dhexe iyo Afgaanistaan (CAMEA).
Munaasabadda ayaa waxaa marti-sharaf ka ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Pakistan, Inj. Khurram Dastgir Khan. Waxa kale oo khudbado ka jeediyay Xoghayaha Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, Danjire Hamid Asghar Khan, iyo safiirro kale oo ka kala socday dalalka Afrika iyo Pakistan.
Ka qaybgalayaasha munaasabadda waxaa kamid ahaa madaxda ISSI, safiirrada dalalka Afrika ee Pakistan iyo safiirrada Pakistan u fadhiya waddamada Afrika, kuwaas oo ka wada hadlay muhiimadda iskaashiga iyo xiriirka sii kobcaya ee Afrika iyo Pakistan.
Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa khudbaddiisa ku bogaadiyay qabanqaabiyeyaasha munaasabadda, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, dhaqanka iyo amniga.
Gabagabadii munaasabadda, Safaaradda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo ka qaybgalayaasha lagu baray qayb ka mid ah taariikhda, dhaqanka iyo hodantinimada bulshada Soomaaliyeed.




