Qaahira – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Ururka Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka caadiga ah ee Kooxda Danjirayaasha Dalalka Afrika ee fadhigoodu yahay magaalada Qaahira.
Shirka oo ay ka qaybgaleen danjireyaal iyo wakiillo ka socday dalal badan oo Afrikaan ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga qaaradda, dib u eegista waxqabadkii kooxda, qorshayaasha iyo mudnaanta wadajirka ah ee xilliga soo socda, iyo horumarinta wada-shaqeynta diblomaasiyadeed ee dalalka Afrika.
Danjire Cali Cabdi Awaare oo furay shirka ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay Soomaaliya inay guddoomiso kulankan, isagoo xusay doorka taariikhiga ah ee Soomaaliya ku leedahay horumarinta midnimada Afrika iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo is-dhexgalka dalalka qaaradda.
Safiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameynayso dhinacyada nabadda, dib u dhiska hay’adaha dowladda, kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta xiriirka dibadda, isagoo tilmaamay in dadaalladaasi ay qeyb ka yihiin hirgelinta Hiigsiga Qaranka 2060 (Vision 2060).
Intii uu kulanku socday, Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Qaahira ayaa soo bandhigtay muuqaal dokumentari ah oo ka tarjumayay waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo himilooyinka ku xusan Hiigsiga Qaranka 2060. Muuqaalka ayaa iftiimiyay horumarka dalka, fursadaha maalgashi, kobaca dhaqaalaha iyo qorshayaasha horumarineed ee muddada fog.
Danjirayaasha dalalka Afrika ayaa bogaadiyay martigelinta Soomaaliya iyo bandhigga la soo jeediyay, iyagoo ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka ay ka gaartay dhinacyada dowlad-dhiska, horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta iskaashiga gobolka iyo qaaradda.
Gabagabadii, Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa uga mahadceliyay dhammaan safiirrada iyo wakiillada ka soo qayb galay shirka doodaha wax-ku-oolka ah ee ay soo bandhigeen, isagoo muujiyay rajada laga qabo in la sii xoojiyo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midnimada dalalka Afrika.





