Masar oo Soomaaliya ugu hambalyeysay sannad-guurada 1-da Luulyo

0

Qaahira – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Ururka Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Madaxtooyada Masar, Axmed Ridha, oo uu ka guddoomay dhambaal hambalyo ah oo Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, ugu diray Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo.

 

Dhambaalka Madaxweynaha Masar ayaa lagu muujiyay hambalyo ku aaddan sannad-guurada maalinta xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya, iyadoo la adkeeyay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Dhanka kale, Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa Xoghayaha Madaxtooyada Masar u gudbiyay salaan iyo hambalyo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, u diray Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, iyo shacabka Masar, munaasabadda 13-aad ee Kacaanka 30-ka Juun.

Safiirka Soomaaliya ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isaga oo xusay in labada dal ay ka go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, amniga, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha.May be an image of dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here