Dayniile oo ku guuleysatay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle

0

Degmada Dayniile ayaa noqotay horyaalka degmooyinka ee sanadkan, kadib markii ay xalay ku guuleysatay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

12 dhibcood ayey la timid Dayniile oo koobka qaaday, halka Bargaan oo gashay kaalinta labaad ay keensatay 4 buundo, sida uu shaaciyey guddiga tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tartanka ayaa waxaa sanadkan ka qeyb-galay illaa 20 degmo oo ka kala tirsan qaar ka mid ah gobollada dalka, waxaana intii uu socday uu soo maray heerar kala duwan.

Sidoo kale waxaa tartanka xalay goobjooog ahaa, Cali Cismaan Ibraahim oo ah madaxa warfaafinta ee shirkadda isgaarsiinta Somtel oo iyadu sanadkan taaba-gelineysay barnaamijka tartan aqooneedka Shabelle.

Cali ayaa sheegay in degmooyinka galay kaalmaha koowaad iyo labaad la guddoon siin doono abaal-marino qaali ah, wuxuuna u mahadceliyey maamulka Shabakadda Warbaaahinta Shabelle.

Ugu dambeyn waxaa munaasabadda xiritaanka tartanka ka hadlay guddoomiyaha guddiga barnaamijka tartan aqooneedka, Cabdullaahi Cismaan Cadaani oo soo xiray tartanka, wuxuuna isaga oo sidoo kale ku hadlayey magaca agaasimaha guud ee Shabelle, Abuukar Sheekh Maxamuud (Abuukar Sky) uu u mahadceliyey dhammaan degmooyinkii ka qeyb-galay tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan iyo sidoo kale maamulka shirkadda Somtel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here