Kenya oo hakisay dhammaan duulimaadyada Soomaaliya

0

Hay’adda duulista hawada Kenya ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii u dhexeyey Soomaaliya iyo Kenya, laga bilaabo maanta oo Talaado ah.

Xayiraadda duulimaadyadan waxa keliya ka reeban diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay.

Xayiraadda ay soo rogtay Kenya ayaa ka dambaysay markii hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ay sheegtay bishan May 9-keedii in xayiraaddi duulimaadyada qaadka ay weli taagan tahay.

Hakinta duulimaadyada waxa warbaahinta u xaqiijiyey sarkaal Soomaali ah oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, maadaama aan loo oggoleyn la hadalka saxaafadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here