Deeq la gaarsiiyay haween danyar ah oo isugu jira naafo iyo dad da’ ah

0

Hay’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed waxa ay gaarsiisay Haween dan yar ah iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba oo ay ku jiraan rag waayeela ah iyadoo lacagahaasi Hay’adu ugu talagashay in ay ukaashadaan afurka maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee ramadaan.

Dadka danta yar ayaa lagasoo kala aruuriyay 17-ka degmo ee gobolka banaadir waxaana loosoo xulay sida ay ukala baahi badanyihiin.

Gudoomiye kuxigeenka Hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi ayaa sheegay in deeqadn lacageed oo gaaraysa ilaa $7,000 oo doolar ay ugu talagaleen il 140 qooys oo danyar ah.

Gudoomiyaha haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa Hormuud Salaam Foundation kaga mahad celisay deeqda lacageed oo ay gaarsiiyeen haweenka iyo raga danta yar.

Gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir Basma Caamir ayaa hoosta kaxariiqday kaalinta lama ilaabaanka ah oo ay Hormuud ka qaadaneyso taakuleynt dadka danta yar.

Qaar kamid ah dadkii kafaa’idestay deeqda lacageeed ayaa kaga mahadceliyay Hay’ada Hormuud Salaam Foundation kaalmada ay soo gaarsiiyeen oo ay tilmaameen in ay kusoo aaday xili baahi wayn ay uqabeen.

Hay’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa dardar galinaysa taagayarada dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba xili lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan iyadoo sidoo kale Hay’adu ay afurin usameeso kumanaan qof maalin walba iyaga oo isticmaalaya numberka gaaban ee 144 oo loogu dirayo adeega EVC Plus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here