Mursal oo dib loogu doortay Golaha Shacabka Soomaaliya

0

Baydhabo (SMN) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa markale loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday gudaha Baydhabo.

Mursal ayaa helay 88 cod, wuxuuna ka guuleystay musharrax Feysal Ibraahim Xasan oo aan helin wax cod ah, waxaana halaabay 12 cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada.

Mursal ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyey ee lagu doorto magaalada Baydhabo, wuxuuna markale difaacday kursiga HOP#182 ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Doorashada ayaa sidoo kale sii socon doonta, waxaana la guda-galayaa kuraasta kale ee loo qorsheeyey in isla maanta lagu qabto xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here