Guddiga doorashooyinka dalka oo hakiyey doorashada kursiga Jawaari

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga doorashooyinka dalka ayaa soo saaray go’aan la xiriira doorashada kursiga HOP103, oo uu horay ugu fadhiyey Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay inay cabasho ka timid habraaca loo maray diiwaan-gelinta kursigaas oo deegaan doorashadiisa ay tahay Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la hakiyey doorashada kursigan, illaa inta laga soo xallinayo cabashada ka timid guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here