Wararkii ugu dambeeyey qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan degmooyinka Wadajir iyo Kaxda oo daris la ah Dharkenley.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxa uu ka dhacay bannaanka hore ee Saldhig Galbeed, halkaas oo ay ka howl-galaan ciidamo ka tirsan Booliska.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu geystay khaasare u badan dhaawac, mana jiro weli wax faah faahin ah oo ay bixiyeen saraakiisha laamaha ammaanka.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana caadi kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here