DENI oo shaaciyey inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Maxamed Saciid Cabdullaah Deni, ayaa ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay jagada Madaxweynenimada Soomaaliya, sida u shaaciyey afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Daparani.

Deni ayaa Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid tahay wasiirka qorsheynta ee dowladdii Xassan sheikh iyo xildhibaan dowladda federaalka sannadkii 2012-kii.

Maalmihii u dambeeyey ayaa aad loo hadal hayey musharaxnimada Saciid Deni oo haatan xildhibaano dhowr ah ka soo saartay deegaanada Puntland, hayeeshee tartanka doorashada Madaxweynaha ayaa ah mid adag oo loo geli doono loolan culus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here